Wednesday, May 5, 2010

GABAYGA "FIIN"


Gabaygan Fiin, ayaa waxaa tiriyay abwaan CALI XUSEEN XIRSI, abwaanku wuxuu ka midyahay dadka leh gabayada aad u taabanaya Waaqica iyo Xaqiiqada ay ku jiro umada Somaaliyeed, gabaygan oo ah mid samaynaya waaqican maanta ay ku sugantahay somalidu, ayaa wuxuu abwaanku ku matalayaa dalkii shinbir fiina, oo uu la qaybsanaayo dareenkeeda, Wuxuuna ku bilaabayaa abwaan Cali Xuseen Xirsi sidatan.

Fiinyahay adaa olalayoo, oohin ciirsadaye
Haddii an laguu iman waad, aamusi lahayde
Maxaad aragtay waan kula qabaa, uur kutaalada’e? !
Waxay tiri Ilaahay haddaad, aad u garanayso
Oo ad Islaam tahay iddaa, waan irdhays nahaye
Waxan idhi qofkii abhiyaa, wuu ammaan heliye
Ashahaadada iyo waan aqaan, aayaddii Nabiye
Ha yeeshee Ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga
Inyar iiga sheeg waxan rabaa, in aan ogaadaaye
Waxay tidhi inkaar buu ku go’ay, odaygii Soomaale
Awlaadii uu dhalayna waa, sida adoogeede
Haday ul iyo diirkeed yihiin, Rag iska eegaaya
Afrikada ma joogeen nimaan, Aabe lahayne
Ayax kuma dhaleen kaymihii, Ubaxa weynaaye
Anna aydi aan joogi jiray, Kama Abraareene
Waxan idhi irdii nalaga qaad, aan lahaan jiraye
Waa taa lakala iibsadaan, nala ogaysiine
Oodaaba laga gooynayaa, Idhankii laasoode
Meeshaad ilmaha dhigi lahayd, uun kalaa degaye
Waxay tidhi duulyahow eheladaa, malaha iimaane
Ilaaleeyay oo dunida waa, ugu sii liitaane
Iyagaaba Ableyda isku sita, Eebo xoog badane
Intay ayro kala qaadayaan, aarsan maayaane
Waxan idhi nin tiisaba anfacay, agab haddaad mooddo
Umal iyo gaajo adoo qaba, oo col ku eryaayo
Haddaad aqalka ugu soo gashood, magan kusoo aaddo
Ulbuu kaaga reebaa ruuxii, kaa itaal badane
Haku  oomin doqon kaama rido, Aar kusii sida’e
Waxay tidhi Or beena baad waddaa, Ina Xuseenoow’e
Ugaas iyo qabiilnimo kuwii, Ubaxa ku faanaayay
Abtirsiinadoodii kuwii, laga alhuumeeyay
Waataa albabkii la yimid, agabtu noo tiile
Miyaan maanta aafaadka dhacay, amarkan loo sheegin?
Waxan idhi Ilaaqbay hayaan, Edebna lays waaye
Afkuunbay ka tookhaan sidii, Ooryahoo kale’e
Bootada awaaraha hadii ad, asali moodaysid
Adduunbaa awaaraha ku lumi, oo indha cadayne
Waxan tidhi Ilaahay hadduu qoon, arrin u diido
Oo Ibleys gebi ka rido, sooma ururaane
Qalbigii engagay waanaduu, orod ku dhaafaaye
Goormay inkartani heshayee, lagu asqeeyay
Waxa idhi arbiyo laguma oga, geesi aynaba e
Iniinaha kelyahay iyo wadnahaa, iini kaga taale
Aanada tolkood bawga uga roon, uumiyaha kala e
Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg lanoo oodye.