Ummad kasta oo ku nool adduunka waxay soo martay marxalooyin kala duwan, waxaa la dhihi karaa adduunka qudhiisa ayaa marba heer joogay
hadana ay umadi ka tilineysay ama hogaanka u haysay .
hadana ay umadi ka tilineysay ama hogaanka u haysay .
Heer kastana waxaa jiray xeer iyo dhaqan la socda da'diisa, waxaana aan shaki ku jirin in uu heerba heerkii ka horeeyay wax ka baddelay dhaqankiisii isla markaasna ay jireen wax yaalo heerka dambe inuu ka shidaal qaadan jiray heerkii ka horeeayay asaga, wuxuusu wax kasta ha ahaadeene .
Hadaba ummad kasta waxaa lagama maarman ku noqotay inay aqoon u leedahay waxay ku dhaqmi jireen dadkoodii hore wax ku qabsan jireen ku na qaybsan jiren jireen amaba sidii ay u nolan jiren, halgamadii ay soo mareen iyo dadalkii fikriga ahaa nafiga ahaa intaba,si ay uga shidaal qatan wixi wanaag ahaa oo ay dhaqanka u lahaayeen isagana ilaaliyaan wixii xumaaan ahaa ee qarribay dadkaas hore.
waxaa jira in xeerka yahay dhaqan umad kasta ay leedahay oo ilaa iyo maanta jira
tusaale ahaan hadaad furanaysid shirkad wayn waxaan u baahan tahay inaad u yeeratid abuu kaate si uu idiinku qoro xeerka munaasab ka ah ee aah ku wada xeersan doontaan hantiilayaasha kale ee shirkadaas aad wada leedihiin, sasna akhyaareey waxaa ku kala duwanaan jiray kukalana tagsanaanjiray umadihii hore xerarkoodii iyo kuwan maanta joogaba umadna umada kale la xeer maynan ahayn.
somalida oo ahaan jirtay waligeed dad sinaanta cadalada ku dhaqma waxay lahaan jirtay xeer wacan oo ku dhisan sinantaas wax kuna qaybsan jirtay, waxaase jirta inuusan xeerkaasi qornayn laase uu ahaa mid maskaxda lugu hayo oo aan ka duwanayn mid qoran, saasna lugu kala dhaxli jiray.
Taas waxaa marag fur u ah maahmaahyada soomaalida iyo murtideeda waxaan ka xusi karnaa :
- gari labo nin kama wda qosliso.
- midigtaada haduu lagugula dhaqo waa laga muddacaa.
- xaajo nimaan aqoon indhuhuu ka ridaa.
- illow eex ha inakaga tagin aqoon la'aana ha inaku cadaabin.
- wiilkaaga iyo wiil gaal garta waa loo simaa
- xoolahaagu xerada ha ku jiran ama xeer ha ku maqnaadan
- islaam iyo gaallo garta waa loo simaa garabka se looma simo.
waxaan idin soo gudbin doonaa barnaamijyo ku saabsan xeerarki somalidii hore iyo waliba murtideedii, tix iyo tiraabba