Wednesday, May 5, 2010

GABAYGA "FIIN"


Gabaygan Fiin, ayaa waxaa tiriyay abwaan CALI XUSEEN XIRSI, abwaanku wuxuu ka midyahay dadka leh gabayada aad u taabanaya Waaqica iyo Xaqiiqada ay ku jiro umada Somaaliyeed, gabaygan oo ah mid samaynaya waaqican maanta ay ku sugantahay somalidu, ayaa wuxuu abwaanku ku matalayaa dalkii shinbir fiina, oo uu la qaybsanaayo dareenkeeda, Wuxuuna ku bilaabayaa abwaan Cali Xuseen Xirsi sidatan.

Fiinyahay adaa olalayoo, oohin ciirsadaye
Haddii an laguu iman waad, aamusi lahayde
Maxaad aragtay waan kula qabaa, uur kutaalada’e? !
Waxay tiri Ilaahay haddaad, aad u garanayso
Oo ad Islaam tahay iddaa, waan irdhays nahaye
Waxan idhi qofkii abhiyaa, wuu ammaan heliye
Ashahaadada iyo waan aqaan, aayaddii Nabiye
Ha yeeshee Ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga
Inyar iiga sheeg waxan rabaa, in aan ogaadaaye
Waxay tidhi inkaar buu ku go’ay, odaygii Soomaale
Awlaadii uu dhalayna waa, sida adoogeede
Haday ul iyo diirkeed yihiin, Rag iska eegaaya
Afrikada ma joogeen nimaan, Aabe lahayne
Ayax kuma dhaleen kaymihii, Ubaxa weynaaye
Anna aydi aan joogi jiray, Kama Abraareene
Waxan idhi irdii nalaga qaad, aan lahaan jiraye
Waa taa lakala iibsadaan, nala ogaysiine
Oodaaba laga gooynayaa, Idhankii laasoode
Meeshaad ilmaha dhigi lahayd, uun kalaa degaye
Waxay tidhi duulyahow eheladaa, malaha iimaane
Ilaaleeyay oo dunida waa, ugu sii liitaane
Iyagaaba Ableyda isku sita, Eebo xoog badane
Intay ayro kala qaadayaan, aarsan maayaane
Waxan idhi nin tiisaba anfacay, agab haddaad mooddo
Umal iyo gaajo adoo qaba, oo col ku eryaayo
Haddaad aqalka ugu soo gashood, magan kusoo aaddo
Ulbuu kaaga reebaa ruuxii, kaa itaal badane
Haku  oomin doqon kaama rido, Aar kusii sida’e
Waxay tidhi Or beena baad waddaa, Ina Xuseenoow’e
Ugaas iyo qabiilnimo kuwii, Ubaxa ku faanaayay
Abtirsiinadoodii kuwii, laga alhuumeeyay
Waataa albabkii la yimid, agabtu noo tiile
Miyaan maanta aafaadka dhacay, amarkan loo sheegin?
Waxan idhi Ilaaqbay hayaan, Edebna lays waaye
Afkuunbay ka tookhaan sidii, Ooryahoo kale’e
Bootada awaaraha hadii ad, asali moodaysid
Adduunbaa awaaraha ku lumi, oo indha cadayne
Waxan tidhi Ilaahay hadduu qoon, arrin u diido
Oo Ibleys gebi ka rido, sooma ururaane
Qalbigii engagay waanaduu, orod ku dhaafaaye
Goormay inkartani heshayee, lagu asqeeyay
Waxa idhi arbiyo laguma oga, geesi aynaba e
Iniinaha kelyahay iyo wadnahaa, iini kaga taale
Aanada tolkood bawga uga roon, uumiyaha kala e
Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg lanoo oodye.

Tuesday, February 16, 2010

ARAR


















Ummad kasta oo ku nool adduunka waxay soo martay marxalooyin kala duwan, waxaa la dhihi karaa adduunka qudhiisa ayaa marba heer joogay 
hadana ay umadi ka tilineysay ama hogaanka u haysay .
Heer kastana waxaa jiray xeer iyo dhaqan la socda da'diisa, waxaana aan shaki ku jirin in uu heerba heerkii ka horeeyay wax ka baddelay dhaqankiisii isla markaasna ay jireen wax yaalo heerka dambe inuu ka shidaal qaadan jiray heerkii ka horeeayay asaga, wuxuusu wax kasta ha ahaadeene .

Hadaba ummad kasta waxaa lagama maarman ku noqotay inay aqoon u leedahay waxay ku dhaqmi jireen dadkoodii hore wax ku qabsan jireen ku na qaybsan jiren jireen amaba sidii ay u nolan jiren, halgamadii ay soo mareen iyo dadalkii fikriga ahaa nafiga ahaa intaba,si ay uga shidaal qatan wixi wanaag ahaa oo ay dhaqanka u lahaayeen isagana ilaaliyaan wixii xumaaan ahaa ee qarribay dadkaas hore.

waxaa jira in xeerka yahay dhaqan umad kasta ay leedahay oo ilaa iyo maanta jira 
tusaale ahaan hadaad furanaysid shirkad wayn waxaan u baahan tahay inaad u yeeratid abuu kaate si uu idiinku qoro xeerka munaasab ka ah ee aah ku  wada xeersan doontaan hantiilayaasha kale ee shirkadaas aad wada leedihiin, sasna akhyaareey waxaa ku kala duwanaan jiray kukalana tagsanaanjiray umadihii hore xerarkoodii iyo kuwan maanta joogaba umadna umada kale la xeer maynan ahayn.

somalida oo ahaan jirtay waligeed dad sinaanta cadalada ku dhaqma waxay lahaan jirtay xeer wacan oo ku dhisan sinantaas wax kuna qaybsan jirtay, waxaase jirta inuusan xeerkaasi qornayn laase uu ahaa mid maskaxda lugu hayo oo aan ka duwanayn mid qoran, saasna lugu kala dhaxli jiray.
Taas waxaa marag fur u ah maahmaahyada soomaalida iyo murtideeda waxaan ka xusi karnaa :
  •  gari labo nin kama wda qosliso.
  • midigtaada haduu lagugula dhaqo waa laga muddacaa.
  • xaajo nimaan aqoon indhuhuu ka ridaa.
  • illow eex ha inakaga tagin aqoon la'aana ha inaku cadaabin.
  • wiilkaaga iyo wiil gaal garta waa loo simaa
  • xoolahaagu xerada ha ku jiran ama xeer ha ku maqnaadan 
  • islaam iyo gaallo garta waa loo simaa garabka se looma simo.
murtidani waxay na tusinaysaa cadaaladii somalidi hore iyo waliba xeer wanaageedii, waxaana lagama maarmaan ah in la baaro xeer soomaaligii hore, si uusan u lumin loogana shidaalqaato 
waxaan idin soo gudbin doonaa barnaamijyo ku saabsan xeerarki somalidii hore iyo waliba murtideedii, tix iyo tiraabba
  

 

SOO DHAWAADA AKHYARTA SHARAFTA MUDANOW

dhamaantiin ku soo dhawaada wepkaan cusub   insha allah akhyaareey wa jilib caro oo idinleh so dhawada mar labaad
waxaad ka daalacan doontan haduu Eebahay idmo wararka waayeelka iyo murtida somaliyed
casriguna marnaba meesha kama maqna

soo dhwaada marlabaad iyo marsadexaadba waa     SUHEIB M.SAID MOHOMED (JILIBCARO)